Daawo: Beesha Habar-Jeclo oo Jawaab Bixisay “Xiligan HARGEISA Anaga ayaa Leh, Kuwii deganaa Kiro ayay Qaataan”

Daawo: Beesha Habar-Jeclo oo Jawaab Bixisay “Xiligan HARGEISA Anaga ayaa Leh, Kuwii deganaa Kiro ayay Qaataan”

daajis.com:- Ugaaska Guud ee Beesha Bariga Burco Isxaaq Aadan Jaamac  ayaa ka Jawaabay Hadalkii maalintii shalay kasoo yeedhay mid kamid ah Madax dhaqameedka Beesha Subeer-awal, Kaasi oo sheegay inay Hargeisa kasaari doonaan Hadii ay u codayn waayaan Muuse Biixi.

“Waa Bar-madow oo Ceeb iyo Cadaawad ka tan wayn  usoo jiidi Kara Beesha Subeer Awal,   Waxaana Ceeb idinku ah idoonkoo aan ka Maar-mayn Habar-jeclo, Inaad tidhaahdaan Khasab ayaad ku Codaynaysaa “ ayuu yidhi.

” Hanbajaada Awal oo dhan ayaan waxba yeeli karin Habar-jeclo,  waana Nin iska Hadlay Boqor Bad-madow,  Waanu  ka Tashanaynaa Cida aanu soo Saari doono,  Muuse Biixi Hadaladii aan ka Maqli Jiray Iyo Kuwa aanu Hada Maqalnay Ciwaankoodu waa  mid Fool Xun,  Mana Sugi doono Casharka ay dhigi Doonaan” ayuu yidhi.


Dhinaca kale wuxuu sheegay in Xiligan magaalada  Hargeisa inteeda badan ay  iska leedahay Beesha Bariga Burco “Hargaysa hadii laga Hadlo Habar-jeclo ayaa maanta iska leh, Beeshii Horey u daganayd Kiro ayay Qaadataa,  Waxna Sucuudiga ayay ugu Dhoofeen Lacagtii aanu siinay.” ayuu Yidhi Isxaaq Aadan Ugaaska Beesha Bariga Burco.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada