Daawo Video: Qaraxyo Dad Badan ku dhamaadeen oo ka dhacay Ruushka.

Daawo Video: Qaraxyo Dad Badan ku dhamaadeen oo ka dhacay Ruushka.

daajis.com:- Illaa 10 ruux ayaa ku geeriyootay, 5o kalena waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay xarun tareen dhulka hoostiisa laga raaco oo ku taal magaalada St Peterburg ee dalka Ruushka.

Qaraxyadan ayaa saameeyay Tareenka, waxaana uu goobta ka dhigay qiic iyo uuro, waxaa socda gurmadka dadka ku dhaawacmay oo xaaladooda lala tacaalayo.


Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in la baari doono qaraxan, hadii uu qeyb ka yahay falal argagixiso.

Qaraxa ka dhacay St Petersburg ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta Madaxweynaha Ruushka uu tagay magaaladaas oo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha warbaahinta.

Xaalada goobta ayaa ah mid cakiran, waxaa la geeyay ciidamo fara badan, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran.

Ruushka ayaa horay waxaa uga dhacay weeraro is qarxin ah oo ay sheegteen Kooxo Islaamiyiin ah, sidoo kale waxaa uu qeyb ka yahay dagaalka Suuriya, isagoo taageeraya dowladda Bashaar Al-Asad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada