DHEGAYSO: Cosoble “Dekedda Ceel Macaan waxay u shaqeyn doontaa sida Dekedda Boosaaso iyo Kismaayo”.

DHEGAYSO: Cosoble “Dekedda Ceel Macaan waxay u shaqeyn doontaa sida Dekedda Boosaaso iyo Kismaayo”.

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo uu sii xoogeyanayo xiisada u dhaxeysa maamulkiisa iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii uu dhowaan eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka.

Cali Cosoble ayaa mar kale fariin u muuqatay mid siyaasadeed u diray dowladda Federaalka, isagoo sheegay in Hirshabeelle ay leedahay Deked, isla markaana dhowaan la howl geli doono.


Waxaa uu sheegay in dhowaan ay shaqo bilaabi doonto Dekeda Ceel Macaan, ayna u shaqeyn doonto sida dekedaha kale ee ku yaala dalka.

“Hirshabeelle Deked ayay leedahay, waa Dekeda Ceel Macaan, xafiis haku yaalo, ama baraako ha ahaato ama yey ku oolin, waxay u shaqeyn doontaa sida ay u shaqeeyaan Dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in shalay in hadii maamul iyo nidaam jirin gobolka uu maanta leeyahay dowlad, isla markaana ay bilaabayaan wixii hada ka dambeeya in dhamaan wixii kaabayasha dhaqaalaha la howl geliyo, ayna noqdaan maamul dakhli soo saarta, canshuurna ka hela ilaha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhowaan ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka inay maamulkiisa fara gelin ku heyso, isla markaana cid aan iyaga matalin siminaaro u qabatay, waxaana uu xusay in sidoo kale deegaano ka mid ah Cisaley iyo Ceel Macaad doonayaan in lagu daro Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ay ka tirsan yihiin Hirshabeelle, waxaana hadalkan uu mar kale banaanka soo dhigay xiisadaha ka jira xuduudaha deegaanada maamulada dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada