DHEGAYSO: Maamulka Puntland oo Saaka 5 Dhalinyaro ah Boosaaso ku Toogtay iyo Laba Walalo ah oo ku jira.

DHEGAYSO: Maamulka Puntland oo Saaka 5 Dhalinyaro ah Boosaaso ku Toogtay iyo Laba Walalo ah oo ku jira.

daajis.com:- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Maxkamadda Ciidamada Puntland ay saaka dil toogasho ah ku fulisay 5 dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Dhalinyaradan dilka lagu fuliyay ayaa horay Maxkamad ay dil ku xukuntay, waxaana lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dilalka Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Puntland Col. C/fataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in 5-ta dhalinyaro lagu toogtay fagaare ku yaal duleedka Boosaaso.


Xukunka dilkan ayaa markii hore waxaa uu dhaliyay muran, kaddib markii odayaal ku sugan Boosaaso ay ku tilmaameen cadaalad darro, isla markaana dhalinyarada qaar loo geystay jirdilo.
Puntland ayaa xabsiyadeeda waxaa ku jira dhalinyaro badan oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo badankood lagu soo qabtay dagaalo bishii la soo dhaafay ka dhacay Gobolada Mudug iyo Nugaal oo Al-Shabaab ku duuleen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada