Feysal Cali Waraabe: Mooshin la hor geeyo Baarlamaan isagaba la ilaaliyo muxuu naga qaadayaa?!

Feysal Cali Waraabe: Mooshin la hor geeyo Baarlamaan isagaba la ilaaliyo muxuu naga qaadayaa?!

daajis.com:- Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka UCID ahna musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi ayaa si la yaab leh uga hadlay mooshinka la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan heshiiska Saldhigga Militari.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay ka fiirsanayso wada hadallada u socday iyaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo marar badan horey u burburay.

Feysal ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay maamuli weysay Maamul Goboleedyada dalka isla markaasna aysan awood u laheyn inay soo faragashato maamulka Somaliland.

“Waan ka tashaneynaa in wada hadallada aan lasii wadno Soomaaliya, waayo dowlado badan baa is dhex yaacaya, waa qabiilo isku tagey, Soomaaliya gacan gumeysi bay ku jirtaa” ayuu yiri Faysal.

Feysal ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay mid aan sharci aheyn sidaas darteedna wuxuu ku sheegay Baarlamaan aan awood u laheyn inuu Somaliland wax ka qaado weliba si gaar ah hesiiska Imaaraadka Carabta loogu saxiixay Saldhigga Berbera.

“Annagu kama mid nihin waxa aad dowladda ku sheegeyso, baarlamaanka aad sheegeyso waa midkii inta ay diideen baarlamaankii Jubbaland hadane iyaga oo u jeeda laga shaqeysiiyey, waqti bay iska khasaarinayaan waxba nama tari karaan, Muqdisho ayaa lagu ilaaliyaa” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Waraabe ayaa dhaliilay hab dhaqanka siysaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, Ra’isulwasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey inaysan aheyn siyaasiyiin u qalma xil.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Feysal Cali Waraabe
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada