Golaha Wasiirada oo maanta soo saarayo go’aano xasaasi ah oo ku aadan amaanka Soomaaliya

Golaha Wasiirada oo maanta soo saarayo go’aano xasaasi ah oo ku aadan amaanka Soomaaliya

daajis.com:- Sida caadada aheyd golaha Wasiirad ayaa leh maanta kulankoodii isbuuclaha ahaa oo uu hoggaamin doono Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aano adag oo ku aadan amaanka Soomaaliya iyo istaraatiijiyadii lagu sugi lahaa loogana hortagi lahaa falalka amni darri oo ay Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya.

Kulankaan oo lagu tilmaamay inuu yahay midkii ugu adkaa oo ay yeelanayaan golaha wasiirada cusub ayaa la iskula soo qaadi doonaa waxyaabo ku aadan amniga iyo go’aano kale oo culculus.

Kulankaan ayaa noqonayo mid ka mid ah kulamada caadiga ah oo ay yeelanayaan golaha wasiirada, balse xoogaa wuxuu u muuqdaa inuu yahay kulan ka duwan kulamada kale maadaama lagu go’aamin doono go’aano lagu xalinayo dhibaatada ugu weyn ee heysto umada Soomaaliyeed.

Ururka Al-Shabaab ayaa xoojiyey falalka argagixiso oo ay ku beegsanayaan shacabka Soomaaliyed iyo qaar ka tirsan mas’uuliyiinta xukuumadda, waxayna dadka falanqeeyo siyaasadda ku sheegeen go’aanada laga filayo golaha wasiirada ee ku aadan amniga ay noqon doonaan kuwa muhiim ah oo dan weyn ay ugu jirto shacabka iyo dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu soo magacaabi doono Ra’isulwasaare dalka wax u qaban doono, wuxuuna keenay Xasan Cali Kheyre oo lagu tilmaamay inuu yahay shaqsi shaqadaas kasoo bixi doono.

Dhankiisa isna wuxuu ballan qaaday inuu soo magacaabayo wasiiro tayo leh oo wax badan wadanka ku soo kordhin doono, waxaana caddeyn u ah inay golaha wasiirada yihiin kuwa tayo leh kulankaan oo noqonayo mid taariikhi ah maadaama dhibaatada ugu weyn ee heysato Soomaaliya ay tahay mid amni.

Caasimadda Online ayaa idinla wadaagi doonto qodobada kasoo baxo shirkaas ee lagu sugayo maniga Soomaaliya hadduu Alle idmo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada