Halkee buu ku dambeeyay Mooshinkii Saldhiga Imaaraadka ee Berbera ?

Halkee buu ku dambeeyay Mooshinkii Saldhiga Imaaraadka ee Berbera ?

daajis.com:- Shaki badan ayaa laga qabaa halka uu ku dambeeyo mooshinkii ka dhanka ahaa Imaaraadka Carabta ee ku saabsan Saldhiga Milateri ay ka sameysanayan Magaalada Berbera ee Waqooyiga Soomaaliya ama Somaliland.

Tan iyo markii Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyay mooshinkan, waxaa hoos loo dhigay heerka uu gaarsiisnaa mooshinkaas, iyadoo kulamadii u dambeeyay Baarlamaanka uu yeeshay uu mooshinkan ka ahaa ajandaha labaad ee shirka.

Markii Mooshankaas Xubnaha Baarlamaanka loo qeybiyay ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya si deg deg ah ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaa intaas xigtay Farmaajo oo si deg deg ah ku tagay Imaaraadka Carabta, isla markaana isagoo qanacsan ku soo laabtay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa wali ka hadlin waxyaabaha uu kula soo kulmay Imaaraadka, kama hadlin saldhiga Berbera ee uu cabashadeeda horay ugu gudbiyay Sacuudiga iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Mas’uuliyiinta Imaaraadka

Aamusnaanta Madaxweynaha ayay dad badan shaki gelinayaan inuu jiro wax u eg is faham laga gaaray Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera.

Dhinaca kale Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ayaa la sheegayaa inay isla og yihiin qorshaha lagu shiiqinayo mooshinkan, isla markaana saameyntiisa hoos loo dhigayo.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa Jowhar.com u sheegay in Mooshinkaas lagu bedeshay is faham Imaaraadka Carabta la galeen Madaxda dowladda, inkastoo aanan kala cadeyn in hadii arrimo dhaqaale qeyb ka tahay iyo in kale

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu dhowaan galo fasax, waxaana hadii Kalfadhiga koowaad la xiro, sidaas daaqada uga baxaya mooshinkii laga keenay saldhiga Imaaraadka Carabta.

Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Imaaraadka Carabta Maxamed Al-othmaan oo kulmay, markii Baarlamaanka la geeyay Mooshinka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada