Kheyre oo soo saaray amarkii ugu fiicnaa oo uu Ra’isulwasaare ku amray wasiiradiisa!

Kheyre oo soo saaray amarkii ugu fiicnaa oo uu Ra’isulwasaare ku amray wasiiradiisa!

daajis.com:- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Magaalada Muqdisho kasoo saaray amarkii ugu fiicnaa oo uu Ra’isulwasaaare Soomaaaliyeed ku amro wasiiradiisa.

Xasan Cali Kheyre ayaa soo saara\y amar ku aadan in la tixgeliyo Luuqadda Soomaaliga isla markaasna laga hirgeliyo dhammaan wasaaradaha uu soo magacaabay.

Kheyre ayaa qalinka ku duugay maanta wareegto sheegeyso inay waajib ku tahay wasaaradaha oo dhan inay isticmaalaan luuqadda Soomaaliya isla markaasna ay dhammaan waraaqaha kasoo baxayo lagu qoro luuqadda Hooyo.

Wareegta uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya soo saaray ayaa lagu sheegay inuu amarkaan fuli doono isla maanta sidaasna wasaaradaha looga baahan yahay inay wixii hadda ka dambeeyo adeegsadaan luuqadda Soomaaliga.

Amarka Noocaan oo kale ah ayaa waxaa Ra’isulwasaaraha kaga horreeyey madaxwyenihii waqtigiisa dhammaaday Xasan Shiikh Maxamuud, kaasoo amray inaan la adeegsan karin waxaan luuqada Soomaaliga aheyn, sida la ogyahayna amarkaas ma uusan u fulin sidii la rabay, waxaana hadda laga war sugayaa sida uu u hirgalo amarkaan cusub.

Inta badan wasaaradaha Soomaaliya ayaa laga isticmaalaa luuqadda Ingiriiska, waxaana la rajeenayaa inay arrintaas soo idlaan doonto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada