la taliyaha amniga Qaranka oo sharaxay Qorshaha Ciidamada Qaran ee Somalia

la taliyaha amniga Qaranka oo sharaxay Qorshaha Ciidamada Qaran ee Somalia

daajis.com:- Md,Xuseen Macallin ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adaygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha oo ay kula dagaalamayaan cadawga nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Dowladda Federaaka waxaa ka go’an in ciidankaas geesiyaasha ah ee naftood hurayaasha ah loo helo daryeel, qalabeyn iyo inay helaan dhammaan xuquuqdooda aasaasiga ah. Mana jiro wax saameyn ah oo ciidankan howlgalaya ay ku yeelanayso Qorshaha Amniga Qaranka oo ujeedadiisu tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayaynta ciidanka Soomaaliyeed.

“Haba yaraatee ma jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS oo aan aragnay in fasiiraad aan sax ahayn laga bixinayo taasi oo aan waafaqsanayn Qorshaha Amniga Qaran,Dowladda Federaalka inay sii xoojiso howlaha ciidanka XDS mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya” ayuu yiri la taliyaha dhinaca Amniga qaran ee Madaxwaynaha.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha Amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbinaynaa sida uu u qoranyahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ka kooban yahay.

• Ciidanka Lugta

• Ciidanka Cirka

• Ciidanka Badda

Waajibaadka ciidanka XDS waa

• Ilaalinta midnimada Qaranka

• Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
• Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo khatar galinaya xasiloonida dalka.

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS) tiradiisu ay noqonayso ugu yaraan 18,000 oo aysan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada