Video: Afhayeenka Xulafada Sacuudiga oo lagu dhex garaacay London (Daawo)

Video: Afhayeenka Xulafada Sacuudiga oo lagu dhex garaacay London (Daawo)

daajis.com:- Kooxo u ololeeya joojinta Colaadaha ka socda dalka Yemen ayaa weerar gacan ka hadal ah ku qaaday Gen. Axmed Asiri oo ah Afhayeenka ciidamada Sacuudiga iyo xulafadooda oo booqasho ku yimid dalka Ingiriiska.

Dhowr qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Kooxda u ololeysa joojinta Colaada ka jirta dalka Yemen ayaa Generalka ku weeraray magaalada London xilli isaga iyo Xubno kale ay booqasho ku gaareen magaalada London.

Xubnaha weeraray Generaalka ayaa la sheegay in ujeedkooda uu ahaa inay xiraan Afhayeenka ciidamada Sacuudiga oo ay ku eedeeyen inuu yahay Danbiile dagaal.


Xiliga la weeraraayay Gen. Asiri iyo Xubnaha la socday ayaa sii galaayay Xarunta ”European Council of Foreign Relations”, halkaa oo uu ka jeedin lahaa Khudbad uu kaga hadlaayo dagaalka ay Xulafada Sacuudiga kula jiraan Kooxaha kasoo horjeeda Dowlada Yemen.

Weerarka lagu qaaday Gen. Asiri iyo Xubnaha la socday ayaa waxaa is hortaagay Ciidamada Amaanka iyo illaalada la soctay Jeneraalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada