XOG:- Shirkii Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya lagu bah-dilay [Akhriso Qodobkii Soomaaliya]

XOG:- Shirkii Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya lagu bah-dilay [Akhriso Qodobkii Soomaaliya]

daajis.com:-  Bayaankii laga soo saaray shirkii Jaamacada Carabta ayaa noqday kii ugu xumaa ee Arrimaha Soomaaliya laga soo saaro muddooyinkan.



Bayaanka Cammaan ee kasoo baxay shir madaxeedkii Dalalka Carabta ee 29-kii Maarso ka dhacay dalka Jordan ayaa waxaa ka soo baxay qoddobo ka kooban 15 qodob, iyadoo Soomaaliya lagu soo qaatay qodobka 11-aad, laguna sheegay hal jumlad oo qura.


Bayaanka Cammaan ee Jaamacadda Carabta waxay qoddobadda laga soo saaray u kala horeeyeen sida soo socota:

1 : Arrinta Falastiin

2:; Xaaladda Suuriya

3: Arrinta Ciraaq

4 : Xaaladda Yeman

5 : Xaaladda Liibiya

6 :Mowqifka Argagixisada

7: Islaam-naceybka dunida

8: Deris wanaagga xiriirka dalalka deriska

9: Jasiiradaha Imaaraadka ee Iiraan heysato



Xaalada Soomaaliya

Wuxuu bayaankan soo baxay iyadoo Soomaaliya kala bar ay dadkeedu qarka u saaran yihiin gaajo, isla markaana madaxweynaha Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay uu dalbaday gargaar.



Arrintan waxay su’aal kale dul saareysaa carabnimada Soomaaliya ee muranku ka taagnaa iyo faa’iidada ka sii mid ahaanshaha ururkan oo aanu liiska ugu jirin dalkan Geeska Afrika ku yaala ee dunida ka haray.

 

Madaxweyne cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo oo markii ugu horeysay ka qeybgalay shirkan wuxuu khudbadiisa ku jeediyay Luqada Ingiriiska, taasoo sii caddeyneysa farrqiga u dhaxeeya dalalka Carabta iyo Soomaaliya.

HOOS KA AKHIRSO JUMLADII SOOMAALIYA LAGA QORAY


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada