10-Waxyaabood oo qaali ah balse aad ku heli karto 1,000 (kun) Shillin Soomaali (warbixin xiiso leh)

10-Waxyaabood oo qaali ah balse aad ku heli karto 1,000 (kun) Shillin Soomaali (warbixin xiiso leh)

daajis.com:- Dadka qoraalka u nugul ee Soomaalida inta badan diiradda ma saaraan in ay qoraan waxyaabaha ganacsiga, dhaqaallaha iyo hormarka quseeya ee dalka kajira, baddalka waxay isku mashquuliyaan oo ay qalinkooda galiyaan qoraallada siyaasadda iyo kuwa kale ee qof ka hadalka ah.

Caksiga waxaan faalladan ku qaadaa dhigi doonaa waxbadan oo kusaabsan nolosha maalin laha ah ee dadka Soomaalida, iyo waxyaabaha ugu waa wayn ee ay isticmaallaan.

Lacagtu waa sumadda Afaraad ee lagu garto qaran kasta oo dunida ah, marka laga soo tago dadka, dhulka iyo calanka, sidaa darteeda waxaad dareemi kartaa muhiimadda ay u leedahay lacagta waddan kasta oo dunida ah.

Marka aan joogno Soomaaliya, waxaan u baahannahay in aan tixgalino lacagtu in ay tahay mid kamid ah cunsurada ugu muhiimsan jiritaankeena ummadeed, maadaama aan soo sheegnay in ay kujirto waxyaabaha aan looga maarmin dawladnimada.

Bu’da sheekada ama ujeedka faalladan ma ahan in aan ka hadlo muhiimadda ay leedahay lacagta, balse waxaan ka damacsanahay in aan wax yar idin bidhaamiyo qiimaha ay leedahay, si aan iskula jaanqaadno.

Tan iyo burburkii dawladdii dhexe, Soomaaliya ma helin hay’ado badbaadiya dhaqaallaha dalka, baddalkeeda waxaa jiray ganacsato ka faa’iideystay burburka, taas oo ay ka dhalatay Jaantaa rogan iyo qof walba halkuu jadiinkiisa ka heli karo, waxaa halkaas ku burburay dhammaan kaabayaashii dhaqaallaha, waxyaabaha lumay sidoo kale waxaa kujiray lacagta oo aan maanta inta badan maqaalkan diiradda kusaari doono.

Lacago kala duwan ayuu dalka lahaa sida Kummi, Taanno, Shillin iyo wixii la hal maalla, balse markii ay dhacday dawladdii dhexe, waxaa soo baxay lacago kale oo shaqsiyaad iyo dawladihii kumeel gaarka ahaa ay lahaayeen sida lacagtii ‘N’ la oran jiray oo iyanna waqti yar shaqaysay.

Dhanka kale waxaa la isticmaalay 500-Shillin, ugu dambayn dawladdii C/qasim iyo wixii kadambeeyay waxaa la go’aansaday in la sameeyo loona guuro 1000-ka shillin oo ilaa maanta la isticmaallo.

Dadka qaar ee ku nool gudaha dalka waxay rumeysan yihiin in Kunk laftigiisa hadda la baddalo oo la keeno lacag cusub oo ay kamid tahay 5000- oo shillin, taas oo laftigeeda xaaladda dhaqaalle xume kusii kordhinaysa dalka.

Waxaan faalladan kusoo gudbin doona 10- waxyaabood oo muhiim qaali ah oo uu gooyo 1000-ka shillin, inkastoo dadka qaar ay quus ka taagan yihiin haddana waxaan aaminsanahay in wali uu qiimo leeyahay 1000-ka shillin Soomaaliga ah.

Waxa ugu qaalisan ee uu gooyo 1000-ka shillin waa:-

SADDAQO: inta badan waa shayga ugu qaalisan ee uu gooyo 1000-ka shillin, cid waliba ayaa awoodda in ay bixiso, miskiinkana ma awoodo in uu diido laftigeesa waa uu qaata, taas oo ka dhigaysa in ay tahay waxa ugu qaalisan ee uu gooyo 1000-ka shillin.

Caleenta Shaaha:- guri walba oo Soomaali daggan tahay lagama waayo Shaaha la cabo, waa mid kamid ah ashyaa’da muhiimka ah ee maalin laha ah, waxaadna ku heli karta 1000-shillin Soomaali haddii aad joogto Muqdisho.

Xanjada La Calaaliyo:– waxaan ku nool nahay dunida qaar kamid ah dadka ku nool ay lacag ku bixiyaan in ay helaan dharag, halka kuwa kalena ay lacag ku bixiyaan sidii ay dharagta iskaga dhigi lahaayeen, sidaa darteeda xanjada aan u isticmaalno dharag dhacsiga waxaad ku halaysaa 1000-Sh.So, xitaa laba xabbo iyo kabadan meelaha qaar.

Cusbada Ama Milixa Cuntada:- waa muhiim in aan helno maraq ama fuud wanaagsan, si loo helo waa in la helaa laftigeeda waxyaabihii aasaasiyaadka u ahaa, milixda ama cusbada waxay kujirtaa waxyaabaha udub dhaxaadka u ah macaanshiyaha maraqeena, ku darso sheekada Cusbada waxaad ku heli kartaa 1000-shillin.

Sakiinta aannu Ku Xiiranno:- inkastoo hadda qaabab kale oo casri ah la helay oo ay kamid tahay makiinadda yar ee dadka u xiirta, haddana wali waxaa jira dad aan ka tegen dhaqankii hore ee ahaa in Sakiin lagu jarto, qofkii doonaya in uu sakiin ku jarto wuxuu ku heli karaa 1000-shillin.

Kanniiniyada Xanuunka Loo Cuno:- 90%kiiba kaniiniyada magaalada laga helo waxaa la gadaa 1000-shillin iyo waxka yar, sidaa darteeda waa innoo muhiim kaniiniyada, balse waxaa lagu helaa qiimo aad u yar.

Cadiga Dabiiciga Ah:- inkastoo dadka qaar ay ka guureen dhaqankii ahaa in la isticmaalo caday ama rumay ka sameysan dhir aynna u guureen casri ah in la isticmaalo macjuum iyo daawo yar oo aan awoowayaasheena kasoo gaarin, haddana waxaa badan bulshada inta isticmaasha cadayga dabiiciga ah ee geedaha laga soo guro, balse xusuusnoow waxaa lagu heli karaa 1000-shillin isagoo ah wax muhiim ah mar waliba.

Dunta lagu tollo dharka:-meelaha qaar waxaa macquul ah in aan lagu helin qiimaha noocan oo kale, balse suuqyada waa wayn ee magaalada Muqdisho dunta waxaa lagu helaa kun shillin Soomaali, taas oo muujinaysa in muhiimad ay leedahay dunta haddana lacag yar lagu helo.

Masaamiirta:- muhiimad gooni ah uma laha inta badan bulshadeena masaamiirta iyo waxyaabaha la xiriira qiimaha ay joogaan, balse mar walba waxaa jirta in 1000 shillin iyo wax kayar lagu heli karo masaamiirta nambarada qaar gaar ahaan kuwa yar yar, oo ah kuwa ay ka siman yihiin dabaqadaha bulshada maadaama qofka hodanka ah uu u isticmaalo daaha iyo miisaska halka miskiinkana uu u isticmaalo ku kabashada goobaha danta u ah sida mehradaha yar yar, kabarada Jaadka iyo wixii lamid ah.

Jallaato::– sida cad waa ay kala qiima badan tahay Jalaatada laftigeed, balse tan ugu badan ee ay isticmaallaan dadka danyarta ah waa tan ugu raqiisan ee lagu heli karo 100-shillin iyo waxa kayar.





Way jiraan 10-kan iyo waxkabadan oo 1000-shillin Soomaali lagu heli karo, waxaana kamid ah Nac-naca caruurta, Aqlaamta qoriga kasameysan ee aan Biiraha ahayn, cabitaanada jidadka dhinacooda lagu gado, khudradda sida Liinta, Mooska, iyo IWM, balse intaas kore ayaan usoo qaatay 10-ka shay ee qaaliga ah haddana lagu heli karo lacagta raqiiska ah ee 1000-shillin.

Ma ahi dhaqaalleyahan, sidoo kale ma ahi qof aqoon u leh suuq yada magaalada, balse kaliya waxaan eegay waxa ugu xeersan ee aan u baahanahay islamarkaana aan ku heli karo lacag raqiis ah oo ah tan ugu yar ee dalka laga isticmaalo oo ah 1000-shillin.
F.G: waxaan ka cudur daaranayaa in kaliya qiimayntan ay tahay magaalada Muqdisho oo qudha, maadaama laga yaabo in magaalooyinka kale ee dalka ay ka jiraan xaalad ka baddalan noocan oo qiimaha aan ku sheegay ashyaa’dan ay kabadala naan karaan sida aan ku sheegay.

Waxaa Qalinka U Qaatay C/wahaab Axmed Cali

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada