BF oo xilli hore ka hor tagay halistii ka imaaneysay qorshihii lagu dejiyey Villa Somalia

BF oo xilli hore ka hor tagay halistii ka imaaneysay qorshihii lagu dejiyey Villa Somalia

daajis.com:- Waxaa maalmihi dambe la hadal hayey halista Soomaaliya uga soo wajahan qorshaha amniga qaranka oo ay dabada ka riixayeen dowladaha Mareekanka iyo Ingiriiska kaasoo markii dambe ay wada saxiixee dowadda dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Kadib markii ay badatay qeylo dhaantii ka dhalatay qorshahaas, Guddiyada Baarlamaanka ayaa isbedel ku sameeyay Qorshaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la tegeyso shirka London kaasoo furmi doono 11 Bishaan May.

Qorshahaan oo loogu magac daray National Security Architecture, ayaa waxaa markii hore soo diyaariyey dowladaha Ingiriiska iyo Mareekanka oo kor ka ilaashado siyaasadda Soomaaliya, waxayna qorshahaas taageero weyn uga helaan madaxda dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Waxaa bilaabatay markaas kadib mooshin laga keenay qorshahaan, kadib muran iyo is qabqabsi kadib waxaa lagu heshiiyey in isbadal lagu sameeyo seddex qodob ee shakiga keenay markii hore, waxaana loo dhigay qaab kale.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso qodobada isbadalka lagu sameeyey.

Waxaa la go’aamiyey in ciidamada xoogga ay ka bilaabaneyso 22-kun ee aysan ku koobneyn 18-kun ama 22-kun midna.

1 – In amarka, maamulka iyo dhismaha ciidamada Qaran ay leedahay dowladda Federaalka iyo wasaaradda Gaashaandhigga oo aanay kaalin weyn ku yeelan karin maamul goboleedyada dalka ka jiro.

3 – In Baarlamaanka Federaalka kaliya ansixin karo ama ogolaan karo qorshe kasta oo Qaran ee aanay ahayn maamul goboleedyada.

Inkastoo uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ballan qaaday in talo soo jeedinta Guddiga lagu dari doono qorshaha ammaanka, haddana si dhab ah looma kala xaqiijin karo ay laga yeeli doono arrintaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada