Burcad badeeda Somalia oo afduubtay markab ay leedahay Kuuriyada Woqooyi

Burcad badeeda Somalia oo afduubtay markab ay leedahay Kuuriyada Woqooyi

daajis.com:- Burcad Badeedda Soomaaliya ayaa bilaabay inay markaan af duubtaan Markab laga leeyahay dalka Kuuriyada Woqooyi oo ah wadan Militari ahaan awood buuxda leh, iyadoo la ogyahay inay midaas saameyn ku yeelan karto burcad Badeeda.

Ciidamada Milatariga Kuuriyadda Waqooyi ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay kasoo Afduubteen Meel ka baxsan Biyaha Soomaaliya dooni Kalluumeysi oo laga leeyahay dalkaasi.

Wasaaradda Difaaca dalka Kuuriyadda Waqooyi ayaa sheegtay in doonidaasi ay saarnaayeen Shaqaalo u dhashay dalkaasi iyo sidoo kale shaqaale kale oo u dhashay Qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Asia.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda dowladda kuuriyadda Waqooyi ayaa wadda dadaallo xooggan oo ay ku doonayaan in ay kusoo Furtaan doonidaasi ay soo Afduubteen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa xustay in ay aaminsan tahay in doonidaasi lala soo aaday xeebaha Soomaaliya ,maadaama ay ka luntay qadkii lagula socday.

Kal hore Ayay aheed markii Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Iiraan ay afduub ugeesteen kooxaha burcadbadeeda somalida ah Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa  xaqiijisay in uu gacanta u galay kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida

Afduubkaasi ayaa ka dhacay xeebaha degaanada maamulka Puntland, waxaana kooxaha burcadbadeeda Markabkaasi ay la aadeen dhanka degaanka Gardafuu ee gobolka Bari.
Sanadkaan oo keliya, burcadda waxaa ay afduubteen 3 markab oo kale, laakin dhammaan waa laga soo celiyay.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey Bishii November ayaa lagu sheegay in Saddex sano lagu guuleystay in aysan Afduub geysan Kooxaha Burcadbadeeda.

Ilaa hadda Dowladda Soomaaliya kama aysan hadli afduubka cusub ee lagula kacay markabkaan laga leeyahay dalka Woqooyiga

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada