Daawo: Galmudug iyo Puntland oo ku Heshiiyey in ay ka wada shaqeeyaan Nabadda Gaalkacayo

Daawo: Galmudug iyo Puntland oo ku Heshiiyey in ay ka wada shaqeeyaan Nabadda Gaalkacayo

daajis.com:- Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta heshiis dhowr qodob ka kooban ku gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xal u helida colaada Gaalkacyo ee dhowr mar soo noq noqotay.

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Xaaf ayaa si wada jir ah u sheegay inay sameynayaan ciidan isku dhaf ah oo ka shaqeynaya nabadgalyada magaalada Gaalkacyo.


Sidoo kale waxay isla garteen inay labadooda maamul ay ka shaqeynayaan deris wanaaga iyo sidii reer Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goob joog ka ahaa heshiiska labada dhinac wada gaareen, waxaana ay si wada jir ah ay socod ku soo mareen bartamaha Cadaado.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa xalay ku hoyday Cadaado, kaddib markii ay ka qeyb galeen munaasabadii caleema saarka Madaxweyne Xaaf.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada