Daawo:- Labo iyo labaatan ku dhimatay qarax ka dhacay Manchester

Daawo:- Labo iyo labaatan ku dhimatay qarax ka dhacay Manchester

daajis.com:-Labo iyo labaatan ruux oo ay ka mid yihiin carruur ayaa hadda la ogyahay in ay ku dhinteen 59 kalana ay ku dhaawacmeen weerar argagixiso looga shakisan yahay oo ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.

Jahwareer ka dhashay weerarka Manchester
Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday.

Boosteejada tareennada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra'iisal wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.

Waxay hakisay ololeehdii doorashada guud waxayna maanta shir guddoomin doontaa kulan degdeg ah oo ay isugu imaan doonaan wasiirradeeda. Waxay ka arrinsan doonaan sida ay uga jawaab celin lahaayeen weerarkan.

May ayaa tiri: "Waxaan isku dayaynaa in aan helno macluumaad dhameystiran oo ku aadan sida ay wax uga dhaceen Manchester.

Jahwareer ayaa jiray
Mid ka mid ah dadkii halkaasi joogay ayaa sheegay in xooga qaraxa dartii uu ku dhacay meel dhawr mitir ujirta, markii uu soo kacayna uu indhaha saaray dad daadsan dhulka.

Waxaana goobta isku gedaamay ciidammada booliska iyo kooxaha gurmadka, iyadoo la xiray waddada marta halka uu qaraxa ka dhacay.

Nin ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sharaxay sida qaraxa uu u dhacay, iyadoo taagerayaashii ay ka baxayeen halkii lagu qabanayay bandhig faneedka.

Majid Khan, oo 22 jir ah kuna sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay oo sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa waxa uu yiri '' qarax weyn oo ka argagixiyay qof walba ayaa ka dhacay halkaasi, qof walbana waxaa uu isku dayay inuu baxsado''

Oliver Jones, 17 jir bandhig faneedkana kala qeyb galay walaashii ayaa yiri: ''dhawaqa qaraxa waxaa laga maqlay goobta oo dhan qof walbana wuxuu billaabay inuu baxsado''.

''Jahwareer ayaa jiray iyadoo dadka ay jihooyin kala duwan u cararayeen'', ayuu sii raaciyay Oliver.

22 qof ayaa dhimatay 59 kalana way ku dhaawacantay qaraxa.

Qaraxa wuxuu ka dhacay saaxadda heesaha lagu tumo ee Manchester wax yar ka dib markii uu dhamaaday bandhig-faneed.

Qaraxa waxaa la sheegay inuu ka dhacay dibedda iyadoo dadka ay isku dayayeen inay baxaan.

Boolisku waxay sheegeen in qofkii ugu horreeyay uu soo wacay 10.35 pm wakhtiga Manchester.

Waddooyiinka ayaa markiiba la xiray.
Waxaa loo arkaa inuu yahay weerar argagixiso.
1.30 pm wakhtiga Manchester booliiska ayaa qarxiyay wax ay uga shakiyeen inay ahayd bambaano.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada