daajis.com:- Musharaxada jagada Madaxweynaha ee dalka Faransiiska Marine Le Pen ayaa lagu weeraray ukun xili ay ololaheeda doorashada ku guda jirtay.
Bannaanbaxayaal kasoo horjeeda siyaasadeeda cunsurinimada ku saleysan ayaa magaalada Paris suuq ku yaal oo ay ololaheeda ku baahineysay ay kala kulantay in lagu tuuryeeyo ukun, waxaana si dirqi ah ugu badbaadiyay ilaaladeeda oo isku gadaamay, laakiin hal xabo oo ukun ah ayaa lala helay madaxeeda.
Ololaha doorashada madaxtinimada Faransiiska ayaa soo gabagabooway, iyadoo maalinta berito axada ah ay dadku u dareerayaan codbixinta doorashadaasi.
Emmanuel Macron ayaa cod bixin la aruuriyay ayaa aad ugu horeeyo hogaamiyaha midigta fog Marine le pen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at