DAAWO SAWIRRO: RW. Xasan Khayre oo Siwayn loogu soo dhoweeyay Qatar

DAAWO SAWIRRO: RW. Xasan Khayre oo Siwayn loogu soo dhoweeyay Qatar

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo gaadhay magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaasoo uu uga qeyb galayo shira Doha Forum oo berri ka furmaya Hotelka Sheraton ee magaalada Doha.

Waftiga oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Dooxa ayaa waxa kamid ahaa dadkii soo dhaweeyey Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda Waddanka Qadar Suldaan Bin Sacad Al-Maraykhi, Sii hayaha Safaaradda Qadar ee Soomaaliya Xassan Bin Xamza, Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Qatar Mudane Cumar Idiris, iyo Safiirka Soomaaliya u Fadhiya waddanka Ciraaq.
Waftiga uu Hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga iyo Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sidoo kale lagu wadaa inay Kulamo kala duwan la qaataan Madaxda Dawaladda Qatar.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada