Dawladda Soomaliya oo isu diyaarisay inay lasoo wareegto Soomali ku xidhan Debedda iyo Warbixintii Yuusuf Garaad

Dawladda Soomaliya oo isu diyaarisay inay lasoo wareegto Soomali ku xidhan Debedda iyo Warbixintii Yuusuf Garaad

daajis.com:- Waxaa maalmahaan socda olole lagu dalbayo in ay Dowladdu u istaagto dhallinyaro Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalal shisheeye, taas oo loo arko, ahna waajib Dowladda saaran.

Maaddaama uu ololuhu sii xoogeysanayo, mararka qaarkoodna ay ka hadlayaan
dhinacyo aan ahayn xog ogaal buuxa, ayaan goostay in aan soo bandhigo xogta hadda suurta-galka ah in aan la wadaago dadweynaha. Waa dadaal ay waddo Dowladda Soomaaliya laakiin aan weli la soo geba gebeyn.

Waxaan shacabka ku wargelinayaa in aan billownay xiriirro dhowr ah oo ku saabsan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalalka Ethiopia, Seychelles iyo India.

Ethiopia madaxdeeda ayaan la soo qaadnay mowduucan dhowaan markii aan booqannay Addis Ababa.

Seychelles Wasiiru Dowlaheeda Arrimaha Dibadda ayaan wada qaadannay mid ka mid ah shan shir doceed oo aan gooni gooni ula yeeshay Wasiirro Arrimo Dibadeed isla halkii maalin ee shirka London uu socday.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles arrinta ugu weyn ee uu ila soo qaaday waxay ahayd nabadgelyada badda noo dhexeysa iyo wadashaqeynteenna mustaqbalka. Ka dib markii aan uga warramay isbeddelka dalka ka dhacay, Aniguna arrinta ugu weyn ee aan ku soo qaaday waxay ahayd Maxaabbiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles.

India, Safaaradda Soomaaliyeed ee New Delhi iyo Xeer Ilaalinta Qaranku waxay qabteen Qareen u dooda mid kasta oo ka mid ah Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsi ku yaalla Mumbai. Safaaradda Soomaaliya waxaa kale oo ay u asteysay mid ka mid ah Diblomaasiyiinteedu in uu tago Mumbai oo 1400 km u jirta New Delhi mar kasta oo Maxkamad la soo taagayo mid ka mid ah boqol iyo dheeraadka Maxaabbiista Soomaaliyeed ah.

Waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu si joogta ah u heshaa Warbixinno kala gooni ah oo Qareenka Hindiga ah iyo Diblomaasiga Soomaaliga ahi ay u soo diraan hadba dacwaddu meesha ay mareyso ayaga oo isla markaana talo bixinaya tallaabada nala gudboon.

Maanta (Talaada) oo u dambeysay waxaan mowduucan fadhi ka yeelannay Wasiirka Garsoorka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda taasoo ahayd markii labaad isla toddobaadkan, ka horna waxaan wadajir ula kulmay Agaasimaha Aasiya iyo Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxaa arrinta Maxaabbiista ku xiran India isla maanta ka wadahadlay Agaasimaha Aasiya iyo Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi.

Berrina waxaa jira dhowr kulan oo Muqdisho iyo New Delhi loo ballansan yahay mowduucan.

Waxaa diyaar ah oo labada dal ee Soomaaliya iyo India ay isku af garteen inkasta oo aan weli la saxiixan heshiis mabda’ ahaan Maxaabbiista la isu celinayo.

Laba ka mid ah Dowladaha Saddexda ah ee aan xusay Ethiopia, Seychelles iyo India waxaan isla meel dhignay in maxaabbiista Soomaaliyeed ee dalalkooda ku xiran lagu soo wareejiyo gacanta Dowladda Soomaaliya. Dalka kale waxaa noo billowday xiriir aan ku rajo weyn nahay in aan ka miro dhalin doonno mar dhow.

Runtii howsha socota oo ku wajahan in Maxaabbiista dibadda ku xiran oo dhan ay gacanteenna soo galaan, ma ahan howlo saxaafadda lagu soo wada bandhigi karo maaddaama aanay soo geba-geboobin.

Hore waxaan ula kulmay wakiil ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas oo aan weydiistay in ay nala wadaagaan Maxbuus kasta oo Soomaaliyeed ee ay ka warhayaan in uu ku jiro xabsi shisheeye.

Shalay oo u dambeysay waxaan farriin ka helay saddexda Dowladood middood, farriintaas oo ah mid yididdiilo hor leh I gelisay. Howshani hadba heerka ay mareyso ee in la sheego aanay wax u dhimi karin furdaaminta iyo marka ay geba-gebo tahay waan la wadaagi doonnaa dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf uga mahadcelinayaa in uu fagaaraha caleema-saarka ee Cadaado uu ku ballanqaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda haddii dhallinyarada Soomaaliyeed ee India ku xiran loo soo celinayo Soomaaliya.

Waa go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale ee dalku ay isla qaateen in ay muhiimad weyn ahaato sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiyada dalka dibaddiisa ku jira dib loogu soo celin lahaa gacanta Dowladdooda.

Waxaan hadda ku dabajirnaa Soomaali ku xiran Uganda, Sudan, Libya iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin dalal ku yaalla Afrikada Koofureed.

Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hammin kara ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan ka qeybqaadashada burcad badeed ama fal dambiyeed kale oo ay xabsi ku mudan karaan nooc kasta oo uu yahay. Taas macnaheedu ma ahan in aan ku tilmaamayo in dhallinyarada ku xiran Ethiopia, Seychelles iyo India ay yihiin dembiilayaal maaddaama arrintaasi ay u taallo Maxkamadaha.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad Cumar / Wasiirka arimaha debedda Soomaaliya

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada