Fadlan Isku Day Inaad Akhriso Sheekadan “Alle xanuun badanaa” Waa Kuma MASCUUD??…..

Fadlan Isku Day Inaad Akhriso Sheekadan “Alle xanuun badanaa” Waa Kuma MASCUUD??…..

daajis.com:- Wuxuuna igu yiri sidda tan, waxaan ku jiray 6 bilood, lixdaa bilood ee aan ku xirnaa ama ku xayirnaa xerada Mascuul hal maalin ma aanan qobeysan waxaan Ku joogay siddii aan saxaraha kaga soo galay xitaa ma aanan helin biyo aan wajiga isaga dhaqo 24 saacadood waxaan ku noollaa oo raashin ah hal sacab waxka yar oo makaroone ah iyo galaas biyo ah waxaa noo dheereyd dil joogto ah meesha oo wasakh ah iyo injir malyan ah guriga aan ku jirnay wuxuu ahaa mid ka samaysan shub kor iyo hoosba.

Ma lahayn daaqad iyo meel daloosha toona, lixdaa bilood ee aan meesha ku jirnay hal ilbiriqsi cad-ceeda ma aanan arkin.

Labo xaaladood kaliya ayaad banaanka ugu bixi kartaa innay naftu ku dayso,, dhimato,, ama lacagta lagaa rabo bixiso, mudadii aan ku jirnay xerada mascuud waxay dhinaceyga midig bidix iyo horteyda ba naftu silic jirdil jaago iyo darxumo uga baxday inka badan 20 qof oo ay qaarkood ahaayeen kuwo aanu inbadan rafiiq iyo saaxiibo-dhow ahayn waxaanu ahayn kuwo aduunka ka samray aakhirana aan weli gaarin. Axmed wuxuu hadalkiisa Ku soo gaba-gabeeyay.
Runtii kama sheekayn karo dhibaatada iyo halàaga aanu nafteena lasoo doonanay. Axmed intuu sheekada ii waday indhaheygu waxay ceshan kari wayeen illinta waxaan gabi-ahaanba hilmaamay dhibtii aan soo maray welina aan ku jiro qaybna ii harsan tahay waxaan xasuustay dhalinyarada weli Mascuud Godka ugu jira iyo xaalada ay ku suganyihiin waqti xaadirkan, dadkii ayaan isaga dhexbaxay waxaanan fariistay meel cidlo ah si aan oohintayda u dhamaysto. Waa qiso dhab ah Inshaa Allah iyadoo goos-goosana waan idinla wadaagi donaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada