Lacagtii laga xadi jiray dekedda iyo garoonka Muqdisho oo soo shaac baxday

Lacagtii laga xadi jiray dekedda iyo garoonka Muqdisho oo soo shaac baxday

daajis.com:- Dowladda soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay soo saarto lacago laga xadi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Dakadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan isbadal ku sameysay maamulka Garoonka iyo Dakadda , waxayna midaas keentay in lasoo ogaado lacago waali ah oo la lunsan jiray si maalinle ah.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inay dowladda labadii maalin u dambeysay soo ogaatay lacago la lunsan jiray Dakadda iyo Garoonka taasoo bishii noqoneyso lacag ku dhow 1 malyan oo dollar.

” Maanta oo aan booqanay Furdada gegida dayuuradaha ee Adde Adde ayaan dhiirigelinay saraakiisha Furdada ee Wasaarada Maaliyada oo suurtogeliyey in maamulka cusub oo labo cisho joogo inuu ururiyey canshuur ka badan $ 130,000 oo ka muuqda koror $34,000 oo labo cisho lagu badbaadiyey – Waxaa jiri doona isla xisaabtan ku aadan halka ay lacagta intaas la’eg ku maqnaan jirtey labo cisho ka hor – lacagta baaqatay labo cisho waxey bishii noqon kartaa $510,000.00 oo in ka badan 5000 ciidan mushaar lagu siin karay – Musuqmaasuqa waa waxa la degey dalka, mana u dulqaadan doon” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu xusay in labadii maalin ee maamulka cusub ka shaqeenayey Dakadda Muqdisho lasoo xareeyey lacag 34 kun oo Dollar ka badan middii lasoo xareeyey xilligii maamulkii hore taasoo muujineyso in  maamulkii hore lunsan jireen 34 kun oo dollar labadii Maalin

Sidoo kale dowladda ayaa ka dhawaajisay in maamulka cusub ee loo sameeyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan qeybta aruurinta Canshuurta Jaadka ay ku guuleysatay in banaanka loo soo saaro canshuurtii horey loo lunsan jiray, wuxuuna maamulkaas ku guuleystay inuu labadii maalin ee uu maamulka hayey lasoo xareeyo 34 Kun oo Dollar oo dheeri ah oo ka dhigan in (17 Kun oo Dollar) maalintii lasoo xareeyey, midaas oo muujineyso in garoonka Diyaaradaha gaar ahaan canshuurta Jaadka laga lunsan jiray bishii lacag  500 Kun oo Dollar sida aad ka arki karto qoraalka hoose ee uu wasiirka Warfaafinta soo dhigay bartiisa Facebook:

#Muqdisho 17 May 2017 – Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Wasiir-ku-xigeenka ayaa maanta booqday garoonka diyaaradaha ee Aden Adde ee Muqdisho si ay u dhiirigeliyaan shaqaalaha oo muddo labo cisho ah oo Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo labo cisho canshuurta jaadka ku kordhiyey $34,000 dollar.”

Dowladda Soomaaliya ayaana arrintaan uga mahadcelineyso maamulka cusub ee dhawaan loo Magacaabay qeybta aruurinta Canshuurta laga qaado Jaadka, wuxuuna maamulkaas shaqeenayaa laba maalin oo kaliya, taasoo muujineyso in loo dhiibay rag aamin ah oo ay ka go’an tahay inay wadanka wax u qabtaan.

Marka la isku daro xisaabaadka laga lunsan jiray Dakadda iyo Garoonka waxay noqoneysaa maalin kasta 34 X 30 oo la micno ah in la lunsan jiray 1 Malyan .

In lacag laga lunsan jiray Dakadda iyo Garoonka waxaa lagu ogaaday marka ay maamulka cusub soo xareeyeen lacag ka badan middii ay soo xareyn jireen maamulkii hore ee labadaas meelood, balse ilaa hadda ma jirto caddeyn rasmi ah oo loo hayo arrintaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada