Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo goor dhow gaaray Cadaado

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo goor dhow gaaray Cadaado

daajis.com:- Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado, iyagoo ka qeyb galaya munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wafuud kala duwan oo ka kala socota maamulada dalka ayaa ku qul qulaya Cadaado, iyadoo wafuudan ka qeyb galayaan xaflada caleema saarka Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Galmudug.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa markii u horeysay gaaray Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug, waxaana dad badan arrintan ku tilmaameen mid sare u qaadi doonta nabad ku wada noolaanshaha labada maamul.

Sidoo kale waxaa goor dhow gaaray Cadaado Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu isna goor dhow gaaaro Cadaado, si uu ugu qeyb galo munaasabada caleema saarka.

Ammaanka Cadaado ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa sugida amniga ka qeyb qaadanaya ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo Ciidamada AMISOM ee ka kala socota Jabuuti iyo Burundi ee ku sugan Cadaado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada