Maxaa u sabab ah in Al-Bashiir uu ka cudur daarto shirka dhexmari doona Muslimiinta iyo Trump?

Maxaa u sabab ah in Al-Bashiir uu ka cudur daarto shirka dhexmari doona Muslimiinta iyo Trump?

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku casuunaa shirkii Trump iyo Muslimiinta ee gudaha Bishaani ka dhici doona dalka Sacuudiga ayaa dib uga laabtay ogolaanshiyaha ka qeybgalka shirka.

Al-Bashiir oo horay u aqbalay casuumaada ayaa dib uga cudur daartay kadib markii la-taliyayaashiisa ay soo jeediyeen inuu ka baaqsado shirka.

Al-Bashiir oo xiriir la sameeyay boqor Salmaanka Sacuudiga, ayaa uga cudur daartay inuu ka qeybgalo shirka, waxa uuna sabab ka dhigay inay kusoo baxeen arrimo kale.

Al-Bashiir ayaa adduunka uga eedeysan dambiyo dagaal waxa uuna shirkaasi u horseedi karaa caqabado dhanka amniga ah, maadaama Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay la socon doonaan ciidamo, gaadiid dagaal iyo diyaarado ka qeynqaadan doona sugida amnigiisa kuwaa oo horay u galaafankara Al-Bishiir.

Sidoo kale, dhaleecayn xoog leh ayaa Maraykanka ka soo gaartay qorshihiisii hore ee ahaa in uu ka qayb galayo shirka hogaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta ee Axadda dhacaya.
Dowladaha reer galbeedka ayaa horay usoo saaray in Al-Bashiir lagu qabto halka uu markaa joogo, waxa ayna taa soo dadajisay in Al-Bashiir uu ka fiirsado wadamada uu ku gaarayo safarada.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Sudan ayaana ka mid ahayd todobo dal oo maamulka Trump uu soo bandhigay in laga mamnuuco in dadkoodu ay u safraan Maraykanka waxaana ku wehliya Somalia, Ciraaq, Liibiya Yemen, Suuriya iyo Iiraan.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada