MUUQAAL: Dowladda Soomaaliya oo maamuli doonta Mashaariicda ay Bixiso Midowga Yurub

MUUQAAL: Dowladda Soomaaliya oo maamuli doonta Mashaariicda ay Bixiso Midowga Yurub

daajis.com:- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maamuli doonta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya, kaddib markii wafdi ka socda Midowga Yurub oo maanta soo gaaray Muqdisho ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Madaxweynaha iyo wafdiga ka socday Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay sidii Midowga Yurub u sii joogteyn lahaa taageerada Soomaaliya, isla markaana dowladda Federaalka ay u maamuli laheyd mashaariicda uu bixiyo Midowga Yurub.


Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta ayaa sheegay inay sii socon doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo Soomaaliya kala saxiixdeen mashaariic ay ugu deeqeen Soomaaliya, isagoo xusay in mashaariic ay ka mid yihiin maamul wanaaga, horumarinta iyo gar gaarka Soomaaliya iyo kor u qaadida tayada Wasaaradaha, wuxuuna xusay in wixii maanta ka dambeeya ay maamuli doonto dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Qorsheynta.

Mr Jamaal ayaa sheegay in Midowga Yurub ay markii hore saxiixi jireen mashaariicda, balse waxaa uu tilmaamay wixii hada ka dambeeya ay dowladda Federaalka ay leedahay saxiixeeda iyo maamulkeeda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada