MUUQAAL: Guuleed Yare oo diyaarado Soconaya & Baabuur kusoo bandhigay Buuhoodle iyo fariin loo diray Farmaajo

MUUQAAL: Guuleed Yare oo diyaarado Soconaya & Baabuur kusoo bandhigay Buuhoodle iyo fariin loo diray Farmaajo

daajis.com:- Iskuulka Hoose Dhexe ee XAAWO oo ku yaala magaalada Buuhoodle oo ay wax ku bartaan Ardayda kasoo jeeda Qoysaska Agoomaha iyo Danyarta islamarkaana Bixiya Lacag la’aan ah ayaa wuxuu qabtay Munaasibad lagu soo xidhayey Sanad Dugsiyeedka 2016/2017.


Iskuulka oo kooban 5-fasal islamarkaana ay dhigtaan Boqolaal arday ah ayaa waxaa Aasaastay oo gacanta ku haysa Samsam Cali Caateeye oo kaashanaysa qaar kamid ah eheladeeda.

Samsam ayaa ka warbixisay Waayihii kala duwanaa ee iskuulku soo maray, waxayna siwayn ugu mahad celisay Macalimiinta ardaydaasi gacanta ku hayey, waxayna sheegtay in magacalimiintu ay yihiin Heegan, Ardayduna ay yihiin Madaalle-yaal.
Dhinaca Kale waxaa Halkaasi lagu soo bandhigay Qalab cusub oo isugu Jira Diyaarado iyo Gaadiid soconayo oo uu sameeyay Guuleed Aadan Cabdi oo kamid ah Ardayda dhigta Dugsigan, waxayna Sam-sam Fariin gaar ah u dirtay Madaxda Dawlada Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada