MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Qabiilka, Dhismaha XAMAR, iyo Waxay Dawladdu Qabatay

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Qabiilka, Dhismaha XAMAR, iyo Waxay Dawladdu Qabatay

daajis.com:-  Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa wuxuu ka jeediyey Magaalada Muqdisho wuxuuna ajo wuxuu dadka codsaday cashuurta in la bixiyo , isagoo u bixiyay cashuurta Qaaraan Qaran, Wuxuuna Xusay in Qofka cashuurta hadii uusan bixin aanu muwaadin ahayn ”

“Ha nagu kalifina inaan dad idinkoo kale ah inaan barino oo Nidhaahno cashuurtiina wax naga siiya, magan alla wax naga siiya , Anaga nooma aydan dooran inaan wax barino, Hadii aad la tartaan shacabadaasi kale anagana waxaa naga taaqaaniin inaan la tartano Dowladdahaasi”

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey Halgankii Dhalinyaradii SYL ayaa siwayn uga hadlay Halista Qabiilka Wuxuuna Tusaale usoo qaatay Dhibaatooyinka laga Dhaxlo “Waxaad ogaataan qofka qabiilka isticmaala ha laga fogaado, waa ogtihiin hadii uu qabiil micno leeyahay waxaan noqon lahayn dal qani ah, war ilaah baan idinku dhaarshee ma’aragteen qabiil intuu isku tegay ardey jaamacad ka saaraya, ma aragteen odey leh ardey baan iskuul ka saaraya ma arkeysid. Qabiil waxba mahan , waa inaan u guurno Soomaalinimo oo ka guurno qabiilka”.

Isagoo ka hadlaya Qorshaha la doonayo in lagu Dhisi Caasimada Soomaaliye ee Muqdisho ayuu yidhi “Waxaa na sugaysa maagaladan burbursan inaan afar sano kadib ka dhigno magaalada ugu quruxsan, waxaa nalaga sugaya cadaalad si qabiil looga fogaado, qabiilka waxaa loogu dhowaada wa cadaalad darada.”

Ugu Danbayntii Madaxwayne Farmaajo ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay Wixii ay Qababtay Dawladda Mudo kooban oo ay Jirtay. “Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa” Ayuu yidhi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada