MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo sheegay Kalsoonida uu ku qabo Khayre iyo Kulankii Jaaliyada Qadar

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo sheegay Kalsoonida uu ku qabo Khayre iyo Kulankii Jaaliyada Qadar

daajis.com:- Madaxweynaha  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey   ayaa Kulan balaadhan la qaatay Jaaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar   isaga oo uga warbixiyay xaaladaha uu dalku marayo  Iyo Waxyaabaha diirada lagu saaray Kulamadii dhex maray Dawladda Qadar.


Safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar  Cumar Idiris iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Cali Askar,  ayaa  Madaxwaynaha uga waramay Xaaladaha kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan dalka Qadar.

Aqoonyahano iyo Ururda  Dhalinyarada  ayaa Madasha kusoo bandhigay  Waxyaabaha ay Bulshada Soomaaliyeed  u Qabteen,  iyadoona ay  Tallooyin kala duwan  Dawladda Soomaaliya u soo Jeediyeen,  Wuxuuna madaxwaynahu Balan qaaday in la Furi doono Xarun qaabilsan Xidhiidhka Jaaliyadaha.

Madaxwayne Farmaajo ayaa wuxuu ka hadlay Muhiimada ay Xiligan Soomaaliya u leedahay Safarada uu Debada ugu baxay, Wuxuuna xusay inay muhiim tahay inuu Marka hore Al-baabka u furo   Wasiirada Arimaha Debedada iyo Qorshaynta  si ay Halkaasi uga sii Ambaqaadaan Dhamaystirka Heshiisyada ay Dawladda Soomaaliya gasho.
Dhinaca kale Madaxwaynaha ayaa ka dhawaajiyey inuu soo magacaabay Raysalwasaare Howlkar ah, Wuxuuna sheegay in isaga Doorkiisu yahay inuu soo Bandhigo halka socdo, Islamarkaana Raysal wasaaraha iyo Xukuumadiisa looga Fadhiyo Siday halkaasi u gaadhi lahaayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada