MUUQAAL: Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

MUUQAAL: Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

daajis.com:- Faah faahin ayaa ka soo baxaya Gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay oo saaka barqadii ku qarxay degmada Wadajir, kaddib markii ciidamada ammaanka ay hareereeyeen.

Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay ka shakiyeen ciidamada ammaanka, kaddibna ay isku dayeen inay qabtaan labo dhalinyaro oo saarnaa, waxaana markii dambe baxsaday labadii dhalinyarada.


Ciidamada Ammaanka ayaa ceyrsaday, iyagoo dhaawacay mid ka mid ah, halka ninka kalena uu baxsaday, waxaana ciidamada ay goobaha caafimaadka u qaadeen ninkii dhaawaca ahaa.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle ayaa sheegay in gaariga markii hore laga shakiyay, markii ciidamada amniga ay qabteen lagu arkay in waxyaabaha qarxa saaran yihiin.

Waxaa uu sheegay in dadkii deegaanka lagu wargeliyay inay ka fogaadaan, si aanay waxyeelo u soo gaarin dadka rayidka ah, hase ahaatee waxaa uu xusay intii rayidka laga bad baadinayay ay ciidamada ku waxyeeloobeen.

Ciidamo ka mid ahaa kuwa miino baarista oo ku howlanaa kala fur furida qaraxa gaariga ayaa waxaa ka soo gaaray dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay sarkaal u tababarnaa dhanka miino baarista.

Waa gaarigii labaad oo waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen oo ay fashliyaan ciidamada ammaanka, todobaadkan gudihiisa, maalin ka hor ayay aheyd markii gaari waxyaabaha qarxa saarnaa oo la dhigay meel u dhow guriga Hooyooyinka uu qarxay, kaasoo aan wax khasaare ah geysan, waxaana ciidamada ay qabteen labo nin oo watay gaarigaas qarxay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada