Nin haraati ku dhuftey gabadh Soomaali ah oo uur leh oo la xidhey

Nin haraati ku dhuftey gabadh Soomaali ah oo uur leh oo la xidhey

daajis.com:-  David Gallacher, oo 37 jir ah, oo aan lahayn guri uu si rasmi ah u degan yahay ayaa Samsam Haji Cali iyo ninkeeda bishii Ogost ee sannadkii hore ku weerarey barxada kasoo hor jeeda dukaanka Co-op ee degmada Bletchley oo ku taala Buckinghamshire.

Waxa uu qirtey in uu geystey jidh dil, gef ah in uu garaacay iyo cunsurinimo diineed.

Qaadigii xukumay waxa uu ku tilmaamey in uu yahay "Cunsuri Xun" Maxkamada Aylesbury ayaa dhegeysatey in Marwo Haji-Ali uu ku weeraray 4tii bisha Ogost dukaanka Co-op ee ku yaala wadada Water Eaton.

Wuu aflagaadeeyey, waxaanu ku yidhi "dharkaagaas khariban ayaad halkan la timi"

Markii uu isku dayey ninkeedii Abdullahi Suleemaan in uu xaalada dejiyo, Gallacher ayaa madaxa kaga dhufey dhalo khamri ah iyo baraf uu sitey. Kadibna waxa uu beerka ka laaday Samsam.

Qaadi Francis Sheridan waxa uu yidhi: "waxay u sheegtey in ay uur leedahay, markay u sheegtey, ayuu sii waday laadkii, waxa uu ka tagay iyada oo dhulka gurguuraneysa, kadib waxay dareentey dhiig ka yimi, kahor intii aaney dareemin in ilmihii kasoo dhacayo".
Samsam Xaaji Cali waxa uu ku weerarey dukaankan hortiisa
Qaadi Sheridan waxa uu sheegey in uu ilmuhu caafimaad qabey kahor inta aanu weerarin Samsam, in uu ilmuhu kasoo dhacana waxa kalifey laadka uu la dhacay gabadhan uurka lahayd.

"Eedeysanahani waa cunsuri, luqada uu isticmaalayeyna waxay ahayd cunsurinimo, ayuu yidhi qaadigu. "
Waxa uu ku yidhi denbiilaha, "waxa la gaadhey xilligii aad baran lahayn cunsuriyadaada iyo dhaqankaaga xumi in ay yihiin waxyaabo laga soo gudbey".
Dibad bax taageero Samsam
Weerarka kadib, dibad bax ayaa la sameeyey lagu taageerayo gabadha la weerarey

Gallacher waxa uu qirtey denbiga lagu soo oogey, waxaana lagu xukumey saddex sanadood iyo toddoba bilood.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada