Sawiro: qaabkee ayey u dhacday doorashada Galmudug ee uu ku guuleystay Xaaf?

Sawiro: qaabkee ayey u dhacday doorashada Galmudug ee uu ku guuleystay Xaaf?

daajis.com:- Waxaa soo dhamaatay  doorashadii Galmudug, waxaana si rasmi ah madaxweynaha Galmudug u noqday Axmed Ducaale Xaaf.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa helay codadkii ugu badnaa doorashada Galmudug wareegeeda labaad, waxayna aheyd natiijo si weyn loo sugayey maadaama uu wareegii hore keensaday codad aad uga badan midka uu keensan Axmed Shariif.

Ciidamada Amaanka ayaa la wareegay amniga Xaaf, waxaana bilaabtay hambalyeynta madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Xaaf ayaa helay codadka gaarayo ilaa 54 cod halka uu Axmed Shariif helay 34 cod sidaas darteed wuxuu guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ku dhawaaqay inu Xaaf yahay Madaxweynaha Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ah ganacsade si weyn looga garanayo gudaha Soomaaliya, waxaana la saadaalinayaa inuu wax badan u qaban doono shacabka Galmudug, inkastoo ay jiraan dad qabo fikir midkaas ka duwan.
Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada sida ay u dhacday doorashada Galmudug

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada