Taleefishinka Al Jazeera oo laga mamnuucay Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka

Taleefishinka Al Jazeera oo laga mamnuucay Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka

daajis.com:- Wadamada Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mamnuucay wadamadooda taleefishinka caanka ah ee Aljazeera kadib markii dowlada Qadar ay taageertay dowlada Iran.

Taleefishinka laga leeyahay Sacudi Carabiya ee Al Arabiya ayaa baahiyay in laga bilaabo Arbacada in aan laga daawan karin labada dal taleefishinka Al Jazeera, warkan ayaa  waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiinta Al Jazeera balse ma bixin faahfaahino dheeri ah.

Al Arabiya ayaa sheegay in sababaha loo mamnuucay ay tahay kadib markii dowlada Qadar ay ku tilmaantay wadanka Iran “Dal Islam ah oo awood leh” ayna cambaareeyeen siyaasada Trump ee dowlada Tehran.

“Ma jiro xikmad ku jirto in cadaawad loo qaado Iran,”ayaa laga soo xigtey  Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyadoo wakaalada wararka ee Qadar ay baahisay warkan. Hase yeeshee dowlada Qadar ayaa warkaas ku tilmaantay mid la been abuuray ayna baaritaan ku sameyn doonto.

Wasiirka isgaarsiinta Qadar ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay bilaabatay baaritaan ayna la xisaabtami doonaan dadka ka dambeeyay warka been abuurka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada