Video: Dood-wadaag aan waxba la isku Reeban oo lagu qabtay Minneapolis Iyo Aqoonyahano ka Qayb galay (Daawo)

Video: Dood-wadaag aan waxba la isku Reeban oo lagu qabtay Minneapolis Iyo Aqoonyahano ka Qayb galay (Daawo)

daajis.com:- Kulan cilmiyeedkaan oo ay soo qabanqaabisay Madasha Dood Qaran ee saldhiggeedu yahay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu casuumay shaqsiyaad isugu jira siyaasiin caan ah iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid meelo kala duwan, kuwaasi kala Yussur Abrar oo ah gabar dhinaca dhaqaalaha ku taqsuustay, islamarkaana mar ahayd gudoomiyihii bangiga dhexe ee Soomaaliya.


Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ahaa wasiirkii hore ee waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya. Prof. Axmed Muunin Warfaa oo ah aqoonyahano wax ka dhiga jaamacadda ku taal gobolka Utah ee dalka Mareykanka, islamarkaana mar isku sharaxay xilka madaxweynimada Soomaaliya. Avv. Abdulwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ah nin sharciyaqaan ah oo ka shaqeeya xaafiiska xeer ilaalinta ee magaaladda Columbus ee gobolka Ohio.

Kulankan ayaa waxaa si weyn looga dooday fahamka ay dadka Soomaalidu ka haystaan nidaamka federalka oo ah mid ku cusub hab maamulka dowladnimada Soomaaliya, iyo waxyaabaha laga dhaxalay sanadihii koobnaa ee nidaamkaan dalka ka shaqeynayey. Dooddayaasha ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaa federalka, kuwaasi oo dhinacyo kala duwan ka eegayey sida dhaqaalaha, dhaqanka iyo sharuucda dalka u taal siddii loogu dabaqi lahaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada