Waa kuwee saddexda xiddig ee ay doonayso Chelsea inay la soo saxiixato si ay markale ugu guuleysato Premier League xilli ciyaareedka soo socda?

Waa kuwee saddexda xiddig ee ay doonayso Chelsea inay la soo saxiixato si ay markale ugu guuleysato Premier League xilli ciyaareedka soo socda?

daajis.com:- Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa doonaysa inay shaxdeeda xoojiso si ay markale ugu guuleysato horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedka soo socda.

Antonio Conte ayaa raba inuu shaxdiisa ka dhigo mid aad u adag si uu koobab kale ugu guuleysto xilli ciyaareedka soo socda, sidoo kale waxa uu maanka ku hayaa inuu ciyaarayo koobka xiisaha leh ee Champions League.

Chelsea si ay koobab ugu guuleysato xilli ciyaareedka soo socda waxaa waajib ku ah inay la soo wareego xiddigo ku soo baxaya boosaska ay is leedahay waa ka dabacsan tahay, waxaana tooska lagu ifiyey saddex laacib oo ay doonayso inay xagaaga soo xero geliso Blues.

Waxaa la warinayaa in Chelsea ay muhiimadda koowaad siin doonto weeraryahan cusub, booska qadka dhexe iyo difaac dhexe, waxaana ay doonaysaa inay galbeedka magaalada London keento saddexda ciyaaryahan ee kala ah Romelu Lukaku, Tiemoue Bakayoko iyo Virgil van Dijk.


Chelsea waxa ay ka mid tahay kooxaha doonaya inay xagaagan suuqa kala iibsiga wacdaro ka dhigaan, inkastoo ay saddexdaan xiddig yihiin bartilmaameedkooda koowaad haddana, waxaa laga yaabaa inay la soo saxiixdaan xiddigo kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada