Waa Kuwee Tobanka Ciyaartoy ee fiidnimadaan loogu hadal heynta badan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Waa Kuwee Tobanka Ciyaartoy ee fiidnimadaan loogu hadal heynta badan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

daajis.com:- Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasha shabakadda Gool.net, waxaan jecelnahay inaan soo gudbino Nux-nuxleynta kubadda cagta waqtigaan ugu sareysa. Sky Sports iyo Football Whispers ayaa iska kaashaday iney soo saaraan liiska xidigaha loogu hadal heynta badan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

GOOL.net waxey idiin soo gudbineysaa nux-nuxleyntii ugu sareysa ee fiidnimadaan iyadoo laga tusaale qaadanayo xidigaha iyo sida ay heshiisyadooda u dhaw yahiin.

Goolhayaha Benfica Ederson ayaa ah xidiga loogu hadal heynta badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kaas oo qarka u saaran inuu ku biiro Manchester City kaas oo helay 4.9 qiimeyn ah waana qiimeynta ugu dhaw ee dhameystirka heshiiska.

Jermain Defoe ayaa lala xiriirinayaa Bournemouth isagoo qarka u saaran inuu ka tago Sunderland oo u laabatay heerka labaad.

Kaalinta sadexaad waxaa soo galay Theo Hernandez oo si aad ah loola xiriirinayo Real Madrid – waana xidig ka tirsan Atletico Madrid.

Kabtanka Manchester United Wayne Rooney ayaa kaalinta 8-aad kasoo galay qiimeynta kaas oo lala xiriirinayo Guangzhou Evergrande oo ka dhisan horyaalka Shiinaha.

Dhinaca kalana Liverpool ayaa ku dhaw heshiiska Virgil van Dijk madama lagu qiimeeyay 4.4 inuu u wareegi karo Liverpool.

Liiska Oo Dhameystiran Halkaan Hoose Ka Aqriso.

Fiiro Gaar ah: Qiimeynta ugu sareysa waa 5.0 waana marka heshiiska dhamaadkiisa la joogo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada