War deg deg: Madaxwaynaha cusub ee Galmudug oo la doortay (Waa Kuma )

War deg deg: Madaxwaynaha cusub ee Galmudug oo la doortay (Waa Kuma )

daajis.com:-Waxaa hada soo dhamaatay Doorashada Madaxwaynaha maamulka Galmudug oo ay Wareega Labaad isugu soo baxeen Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo Axmed Cali Hilowle.

Waxaana Xilka Madaxwayne ee maamulka Galmudug ku guulaystay Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo Heley  54cod, isagoo ka guulaystay Musharixii kale ee Axmed Cali Hilowle oo  helay 34cod.

Madaxwaynaha Cusub ee Galmudug Wuxuu horey u ahaa  Ganacsade aad looga yaqaano goboladan, waxaa uu soo noqday xildhibaan baarlamaan dowladdihii kala danbeeyay ee Soomaaliya soomaray sanadihii (2000 ilaa 2017), doorashadii daddbaneyd ee 51-xubnood ay xildhibaanka dooranayeen, Xeef waa isi soo sharaxay laakiin waa uu waayey.


Wuxuuna Markaasi kadib Bilaabay Olole ka dhan ah Madaxwaynihii Hore ee Galmudug C.kariim Guuleed,   Inkasta oo siweyn saameyn ugu leeyahay ganacsiga , hadana Xeef waa markii ugu horeysay ee uu isu soo sharaxo Madaxweynaha Galmudug, Loona doortay Xilkaasi.

Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhaaranaya , “Waxaan ku dhaaranayaa magaca ilaahay inaan xilkayga u gudunayo si daacad ah oo danta diinta, dadka iyo dalku ku jirto, dhowrayona dastuurka dowladd goboleedka Galmudug iyo kan qaranka , iyo shuruucaha kale ee dalka u yaala. waa bilaahi towfiiq”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada