Xog: Xildhibaanada mucaaradka oo laba u kala jabay iyo fashil ku yimid

Xog: Xildhibaanada mucaaradka oo laba u kala jabay iyo fashil ku yimid

daajis.com:- Sida laga soo xigtay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Somalia, waxaa dib u gurasho sameeyay Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Madasha mucaaradka Horusocod ee magaalada Nairobi.

Xildhibaanada dib u gurashada sameeyay ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Xildhiban Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay inay jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo dib uga soo baxay Madasha Horusocod.

Waxa uu Xildhibaan Idiris qiray in Xildhibaanadasi ay ka laabteen go’aankii ay kaga soo horjeeden Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, waxa uuna cadeeyay in ka bixitaanka Madasha lagu bixiyay Juhdi farabadan.

”Waxa ay u kala jabeen laba dhinac dhinaca koowaad waxa ay ku adkeysanayaan mowqifkooda, halka garabka labaad ay ka laabteen mowqifkii ay aaminsanaayen”

Idiris waxa uu sheegay in xilligan aan loo baahneyn in mowjado siyaasadeed lagu furo DFS oo uu ku sifeeyay mid aan wali caga dhigan.
Waxa uu tilmaamay in dalka uu ku jiro xaalado adag oo aan laga sheekeyn karin sida Abaaro iyo Colaad, sidaa darteed aanu munaasib u arag in la mucaarado DFS ee ku guda jirta xalinta dhibaatooyinkasi taagan.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in talaabada ay qaaden Xildhibaanada mucaaradka ay shaki badan galisay Shacabka Soomaaliyeed oo iyagu yaqiin-sanaa in dalka ay ka dhalatay dowlad ka duwan kuwii hore.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada