Ciidamo Cusub oo ka Socda Dalka Talyaaniga oo soo Gaaray Deegaanada Puntland (SAWIRRO)

Ciidamo Cusub oo ka Socda Dalka Talyaaniga oo soo Gaaray Deegaanada Puntland (SAWIRRO)

daajis.com:- Dalka Talyaaniga ayaa waxa uu ciidamo gaar ah u soo diray dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland, ciidamadani oo wata Maraakiibta dagaalka iyo Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopterka ayaa soo gaaray xeebaha xeebaha maamulkaasi.



Ciidamada ayaa ka mid noqon doona kuwa la dagaalama kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida, waxaana xeebaha maamuladda Puntland & Galmudug ku sugan Ciidamo iyo Maraakiib kale oo ka socda dowladdaha midowga Yurub.

Burcad Baddeeda Soomaalida ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay ahaayeen kuwa soo laba kacleeyay waxana ay dhowr Markab iyo doonyo ka afduubtay xeebaha Puntland, waxa ayna tani imaaneysa xili Soomaaliya ay ku soo wajahan yihiin laba Markab oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahay dowladda dalka Iiran.


Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Social media-ha la’is dhaafsanayay muuqaal laga soo duubay burcad-badeed Soomaali ah oo isku dayay inay afduubtaan markab xamuul ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada