DAAWO: Askari u istaagay inuu keligiis dhiso wado dhex marta Hargeysa

DAAWO: Askari u istaagay inuu keligiis dhiso wado dhex marta Hargeysa

daajis.com:- Askari ka tirsan ciidamada taraafikada wadooyinka ee Somaliland ayaa juhdi iyo waqti geliyay inuu dhiso isla markaana hagaajiyo wado bartamaha magaalada Hargeysa dhex marta oo burbursan.

Muwaadinkaan askariga ah oo isu xil qaamay dhisida wadadaasi oo gaadiidka dhibaato ku qabeen marka ay dul marayaan ayaa dhagax buuxiyay, iyadoo aysan jirin cid u dirsaday hase ahaatee isu xil qaamay markii ay wax ka qaban waayeen maamulka dowladda hoose Hargeysa oo u xil saarneyd.

Kaamiro qarsoodi ah oo laga duubay askarigaan ka tirsan ciidamada taraafikada ayaa muujineysa isagoo soo aruurinaayo dhagxaan, dabadeed ku buuxinaayo wado burbursan oo gaadiidka marka ay dul marayaan dhibaato ku qabay.

Bal daawo muuqaalka askarigaan oo si qarsoodi ah looga qabtay kaamirada isagoo ku howlan dayactirka wadada burbursan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada