DAAWO: Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo ka Baxay Heshiiskii Paris, Isaga oo Cadeeyay Mowqifkiisa

DAAWO: Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo ka Baxay Heshiiskii Paris, Isaga oo Cadeeyay Mowqifkiisa

daajis.com:- Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada aduunka.


Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxu sheegay in Maraykanku uga baxayo heshiiskaa culayska dhaqaale ee uu dalkiisa saarayo awgii.

Wuxu sheegay inuu yahay tusaalihii u dambeeyey ee muujinaya in Washington gasho heshiisyo dalalka kale faa’iido u leh laakiin uu diyaar u yahay heshiis kale oo xeerarkiisu u cadaalad falayaan Maraykanka.

Madaxweynihii hore, Barack Obama, oo heshiiskan wada xaajood ka galay markii dambena saxeexay ayaa sheegay waxa maamulka Trump diidanyahay waa mustaqbalka fiican.

Obama waxa kale oo uu sheegay in uu ku kalsoonyahay in gobollada, magaalooyinka iyo shirkadaha Maraykanku ay dadaalkooda dardar gelin doonaan oo ay hogaan u noqon doonaan qorshaha la doonayo in lagu badbaadiyo dunida.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada