Erdogan oo shaaciyay mowqifkiisa ku aadan xiisada ka dhexeysa dalalka Carabta iyo cida uu la safan yahay

Erdogan oo shaaciyay mowqifkiisa ku aadan xiisada ka dhexeysa dalalka Carabta iyo cida uu la safan yahay

daajis.com:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay la safan tahay dowlada Qadar oo cadaadis lixaad leh kala kulmeysa afarta dowladood ee isbaheystay.

Madaxweynaha Turkiga Erdoğan oo khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Qadar Sheikh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani ayaa sheegay in Turkiga uu garab taaganyahay Qatar.

Erdoğan, waxa uu dhigiisa u sheegay inaan loo dulqaadan doonin in dano gaara looga soo horjeesto dowlada Qadar.

Erdoğan, waxa uu sidoo kale dhigiisa Qadar ku wargaliyay inuu ku mowqif yahay Qadar, isla markaana ay diyaar u yihiin inay qaadan talaabo waliba oo looga soo horjeedo dowladaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Erdogan, waxa uu sidoo kale hogaamiyaasha dowladaha Khaliijka u soo bandhigay inuu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada xal nabadeed oo lagu dhex dhexaadinayo xiisadda ka taagan qaar ka mida dowladaha Khaliijka.
Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda ka dhextaagan dowladda Qatar iyo qaar ka mida dowladaha carabta oo iyagu eedeymo usoo jeediyay Qadar.

Geesta kale, Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa dublamaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood, halka dalalka Sacuudiga iyo Masar ay hawadooda ka mamnuuceen diyaaradaha duulimaadyada Qadar Airweys.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada