FIFA oo la hadlaysa Qatar iyagoo ka cabsi qaba saameynta xiriirkii dowladaha carbeed u jareen dalkaasi ku yeelan karto K/dunida 2022

FIFA oo la hadlaysa Qatar iyagoo ka cabsi qaba saameynta xiriirkii dowladaha carbeed u jareen dalkaasi ku yeelan karto K/dunida 2022

daajis.com:- Waddanka Qatar ayaa ku sugan xaalad cakiran kaddib markii dhowr waddan oo Carbeed ay ku dhawaaqeen in ay xiriirkii siyaasadeed u jareen dowladdaasi yar kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay magan gelyo iyo taakuleyn joogto ah siiso kooxaha argagixisada ah.

Masar, Sucuudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Yemen ayaa isku raacay in ay xuduudahooda dhinaca hawada iyo dhulkaba ka xirtaan Qatar muddo 24 saac gudaheed ah isla markaana Diblumaasiyiintoodu muddo 48 saacadood ah uga baxaan waddammadaasi.

Haddaba warkaasi ayaa saameyn xoog leh ku yeelanaya marti gelinta Qatar ee Koobka Adduunka 2022, taas oo keentay in xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA uu ku dhawaaqo in ay darsi doonaan xaaladda cakiran, isla markaana si gooni ah ula hadli doonaan Qatar.

“Waxaan xiriir joogto ah la yeelan doonnaa guddiga qaban qaabinaya Koobka Adduunka ee Qatar 2022” ayaa lagu yiri dhambaal ka soo baxay FIFA.

Dhinaca Ciyaaraha Qatar waxa ay sanadkan 2017 oo keliya marti gelisay 72 nuuc oo tartammo Isboorti ah kuwaas oo 39 ka mid ah ay yihiin tartammo caalami.

Dhinaca kale arrinta walwalka leh ayaa noqonaysa saameynta dagaalka qaboobaha ee Carbeed uu ku yeelan karo Kubadda Cagta, iyadoo isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018 ee lagu qaban doono Ruushka uu waddanka Qatar wajihi karto midkood Sucuudiga ama Imaaraadka Carabta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada