MUUQAAL: Afurkii ugu weynaa Adduunka oo ka dhacay Imaaraadka

MUUQAAL: Afurkii ugu weynaa Adduunka oo ka dhacay Imaaraadka

daajis.com:- Afurinta ugu Weyn Aduunka oo lagu Afurinaayo ilaa iyo dad gaaraayo 30.000 oo qofood Maalin ayaa waxaa la sheegay inay diyaarinteedu ay tahay mid aad iyo aad iyo u baaxad weyn iyadoona ay diyaarinta Afurkaas ay ka qeyb qaataan ku dhawaad ilaa Kun qofood oo ka shaqeynaayo sidii Afurkaas uu waqqtigii loogu talagalay u gaari lahaa dadkaas maanta oo dhan soo Soomanaa.


Masaajidka lagu magacaabo Sheekh Zaayed Grand Mosque oo ku yaala magaalada Abu Dhabi ee dalkaas Imaaraadka Carabta oo ka mid ah meelaha Afurka Bilaashka ama lacag la’aanta ah laga bixiyo inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan oo ay soo xaadiraan maalin walba in ka badan 30.000 (Sodon Kun ) oo qofood ayaa diyaarinta afurkaas waxaa uu yahay mid shaqo iyo howl baaxad weyn u baahan si waqti xadidan loogu diyaariyo afurinta dadkaas sida aadka ah u tirada badan, Diyaarinta Afurkaan ayaa waxaa ka qeyb qaato ilaa iyo 350 qofood oo kariye ah, 180 qofood oo Caawiyayaal ah iyo in ka badan 400 oo qofood oo siyaabo kale duwan uga qeyb qaato diyaarinta Afurkaas iyadoona maalin walba lagu diyaariyo Afurkaas Cunto ay ka mid yihiin 7,000 oo kilo oo bariis ah, 12,000 oo kilo oo Dooro ama Digaag ah iyo in ka badan 20,000 oo kilo oo Khudaar ah


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada