Sawirro: Ciidamadii ugu faraha badnaa oo Caawa lasoo dhoobay waddooyinka Muqdisho

Sawirro: Ciidamadii ugu faraha badnaa oo Caawa lasoo dhoobay waddooyinka Muqdisho

daajis.com:-  Waxaa la adkeeyay guud ahaan amaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, iyadoo inta badan laamiyada iyo waddooyinka magaalada lasoo dhigay ciidamo aad u gaashaman oo baaraya Gaadiidka iyo dadka shacabka ah.

Ciidamada oo aad u farabadan ayaa waxaa badi la dhigay Isgosyada Magaalada Muqdisho iyo Xarumaha Muhiimka ah ee Muqdisho, waxaana sidoo kale barbar socda Gaadiid dagaal oo gaaf wareegaya waddooyinka kuwaa oo sheeda kala soconaaya ciidamada howlgalka wada.

Ciidamo kale oo ka tirsan isla ciidamadaani ayaa howlgal Guri guri iyo mid gaari baarisba kawada Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Adkeynta amniga iyo Howlgalada socda ayaa ka danbeysay kadib markii Hay’adaha amaanka ay heleen xogo muujineysa in maleeshiyaadka Al-shabaab ay maagan yihiin weeraro ay ka geystaan magaalada Muqdisho, maadaama Bisha Soon ay tahay 17, kuna beegan tahay dagaalkii Beder.
Sidoo kale, waxaa magaalada laga dareemayaa ciriiri dhanka gaadiidka ah, maadaama gaadiidka saf dheer la gelinaayo oo la baarayo, taasi oo keenaysa in gaadiidka ay iska daba yimaadaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada