SAWIRRO: Mareykanka oo markii ugu horeysay tijaabiyay gantaal horay loo arag

SAWIRRO: Mareykanka oo markii ugu horeysay tijaabiyay gantaal horay loo arag

daajis.com:- Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay ku guulaysteen tijaabinta gantaal hawada ku qaban kara gantaalaha qaaradaha iskaga gudba ee ay dhici karto in Maraykanka lala soo beegsado.

Tijaabadani waxay ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah, waxayna jawaab u tahay khatarta isa soo taraysa ee ka imanaysa Kuuriyada Woqooyi.

Gantaalkan nooca gantaalaha hawada kaga hortaga ah ayaa laga ganay saldhig ciidanka cirka ee Maraykanku ku leeyihiin gobolka California, waxaanu si fiican uga hortagay oo soo riday gantaal aan hub ku xidhnayn oo dulmarayey badweynta Pacific-ga, oo ay ciidamadu ka soo ganeen jasiiradaha Marshalls.

Milatariga ayaa tijaabadan ay sameeyeen ku tilmaamay tallaabo wayn oo hore loo qaaday.

Todobaadkan horraantiisii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay samaysay tijaabadii sagaalaad ee gantaalaha nooca ridada dheer ah sannadkan gudihiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada