Wasiirka Maaliyadda soo xiray Shirkii looga arrinsanayay midaynta Canshuuraha dalka

Wasiirka Maaliyadda soo xiray Shirkii looga arrinsanayay midaynta Canshuuraha dalka

daajis.com:- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa maanta soo xiray shir looga arinsanayey sidii loo midayn lahaa canshuuraha furdooyinka ee dalka, waxaana shirka ka soo qayb galay Wasiirada Maaliyadda Maamulada Gobolada, Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Maaliyadda, Gudiga dib u habaynta Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo khubaro ka socotay Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka ayaa daba socday kulmo dhowr ah oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi, ayaa diirada lagu saaray sidii wadanku u lahaan lahaa canshuur midaysan si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah oo ay saamayntu ku yeelato canshuurahan is bar bar yaacaya oo maamulkasta uu qaado khidmad isaga u go’an.

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Bayle oo gabagabadii shirka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qodobo muhiim u ah mustaqbalka dalka aad looga dooday waxaana ka mid ahaa:

• In la sii amba qaadno sidii loo midayn lahaa cashuuraha iyo sidii dakhliyada wax looga qaban lahaa
• In dalka wixii soo galaya iyo wixii ka baxaya meel looga so wada jeesto
• In shuruucda khuseeya arrimaha maaliyadda ee la diyaarinayao meeshay doonaan haka socdaane in laysla ogaado marka la diyaarinayo
• In la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda ee XFS iyo Wasaaradaha Maamulada gobolada, shirar badan la yeesho, iyo in lasamaysto Email wada jir loogu xiriiro.
• In dalkaan wixii ka dhaxcaya oo ku saabsan arrimaha maaliyadda laga wadahadlo,
• Inaan sii ogaano waxyaalaha cusub oo aan doonayno inaan aduunka kula dhaqmayno iyo inaan isla fahano wixii aduunka aan ka aqbalayno.
• In la mideeyo daraasadaha la samaynayo ee ka dhacaya meelaha kala duwan, si looga fogaado in la sameeyo waxyaalo iska soo horjeeda.
• In shirkaan kan ku xiga lagu qabto Garoowe mudo 45 casho kadib ah
Dhanka kale Wasiiradda Maaliyadda ee maamul goboleedyada ayaa dhankooda ku amaanay dowladda dhexe dadaalka dheeriga ah ee ay ugu jirto sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa horumar baaxaad leh loona yeelan lahaa wada shaqayn ka wanagaasan tii hore.

Ugu danbayntii Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa u sheegay Wasiirada kale ee shirkaan ka qeybgalayey in ay saaran tahay masuuliyad shaqo oo aad u weyn loona baahan yahay in dalka uu gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada