Akhriso: Muxuu salka ku hayaa Socdaalka Wasiir Yuusuf Garaad ee Dalka Hindiya?

Akhriso: Muxuu salka ku hayaa Socdaalka Wasiir Yuusuf Garaad ee Dalka Hindiya?

daajis.com:- Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa toddobaadka soo socda booqasho ku tegi doona dalka Hindiya, sida ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Hindiya.

Booqashadan oo qaadan doonta muddo shan casho ah ayaa wuxuu wasiirku la kulmi doonaa dhiggiisa dalka Hindiya Sushma Swaraj, isagoo kala hadli doona arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; maxaabiista Soomaaliyeed ee sannadaha ku xiran xabsiyada dalkaas.

Sidoo kale, Wasiir Yuusuf-garaad iyo dhiggiisa Sushma Swaraj ayaa kala saxiisan doona heshiis dib loogu celinayo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Hindiya, kuwaasoo dhawaanahan lagu jiray dadaallo loogu soo wareejinayo Soomaaliya.

Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya oo tiradoodu gaarayso boqolaal ayaa waxaa loo haystaa falal burcadbadeednimo ah, iyadoo tallabadan ay ku soo beegmayso iyadoo dhawaan 114 maxbuus oo Soomaali ah laga sii daayay xabsiyada dalka Itoobiya oo qaarkood ay muddo ka badan 27 sano ay ku xirnaayeen.

Wasiir Yuusuf-garaad ayaa marka hore booqan doona magaalada New Delhi, isagoo lugta labaad ee safarkiisa ku tegi doona magaalada Mombay, halkaasoo uu ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, wuxuuna uga sii gudbi doonaa Hyderabad.


Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisan ku wehlin doona wafdi heer sare ah oo ka socda xukuumadda Soomaaliya, isagoo dhiggiisa Hindiya kala hadli doona arrimo kale oo ku aadan xiriirada iskaashi ee u dhexeeya labada waddan.
Ugu dambeyn, Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya ayaa waxaa laga soo sheegayay sannadihii ugu dambeeyay dhibaatooyin nololeed oo aad u daran, iyagoo dhawr jeer  ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay gacan ka geysato sii dayntooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada