Beledweyn oo laga jaray isticmaalka adeegga lacagaha EVC-ga

Beledweyn oo laga jaray isticmaalka adeegga lacagaha EVC-ga

daajis.com:- Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa hakiyay isticmaalka Moobilada ee lacagaha EVC-ga oo ay bixiso Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Hakinta Isticmaalka lacagaha dollaarka ee EVC-ga ayaa yimid kadib markii uu maamulka ku jahwareeray isticmaal la’aanta , lacagta Shilin Soomaaliga oo ay Ganacsatada diideen inay qaatan.

Ganacsatada ayaa diiday isticmaalka lacagaha Shilin Soomaaliga, waxa ayna taa bedelkeeda dalbadeen in alaabaha looga iibsado lacagta dollarka ee EVC-ga oo ay bixiso shirkada Hormuud.

Aadan Xeefow oo ah Guddoomiyaha magaalada Beledweyn, ayaa sheegay in maamulka uu mas’uuliyad ka saaran yahay qiimeynta lacagaha shilin Soomaaliga, sidaa darteedna loo xanibay adeegsiga lacagta EVC-ga.

Waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Ganacsatada ay gaaran heer ay diidi karaan lacagaha Shilin Soomaaliga.

Guddoomiyaha waxa uu intaa raaciyay xitaa in Evc-ga uu gaaray in lagu kala iibsado koobka shaaha, waxa uuna arrintaasi ku eedeeyay Shirkada Hormuud oo uu sheegay inay qas ku heyso lacagta Sh/So, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha waxaa uu faray Ganacsatada inay furaan goobahooda ganacsi, isla markaana ay qaataan lacagaha shiling Soomaaliga, cidii diidana uu maamulka ganaax iyo xarig isugu dari doono.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili shacabka Soomaaliyeed 94% ay yihiin kuwo isticmaala lacagta EVC-ga, halka tirada soo hartayna ay yihiin kuwo isticmaala lacagta Sh/So.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada