Daawo:- 76 Askar Booliis ah oo ku dhaawacmay Magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka, iyo Banaanbaxyadii ugu cuslaa

Daawo:- 76 Askar Booliis ah oo ku dhaawacmay Magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka, iyo Banaanbaxyadii ugu cuslaa

daajis.com:- Mudaharaadyo rabshado wata ayaa xalay hareeyey magaalada labaad ee dalka Germany (Hamburg) oo uu ka dhacayo shirweynaha G20 oo ay ku kulmayaan hogaamiyayaasha dalalka horumaray.

Kooxaha xagjirka ah ee garabka bidix ee loo yaqaan anti-capitalist ayaa soo buuxiyey magaalada Hamburg si ay u kharibaan shirkaasi G20 oo maanta furmaya.

Banaanbaxayaal gaaraya 100 kun ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaaladaasi uu shirka ka dhacayo.

Kusoo dhawaada Naarta :  Banaabixii xalay ayey ka qeyb qaadanayeen 12.000 qof, waxayna siteen boorar ay ku qoran yihiin “kusoo dhawaada Naarta”; erayadaasi oo ay ku muujinayaan rabshadaha ay doonayaan inay ku khal khal geliyaan wafuuda ka qeyb galaysa shirkada G20.


Rabshadaha ayaa bilowday kadib markii booliiska ay horjoogsadeen banaanbaxayaasha, isla markaana ku amreen qaar badan oo kamid ah oo afka soo duubtay inay wajiyadooda furaan, taasi oo ay diideen dadka mudaharaadka waday.

Inkastoo qaban qaabiyayaasha banaanbaxaasi ay sheegeen in la baajiyey socodkii ay doonayeen inay ku maraan magaalada, ayaa hadana kooxo xagjiriin ah oo kamid ah kuwa banaanbaxayey ay bilaabeen rabshado iyo weerar ay la beegsanayaan askarta booliiska.

Kooxahan ayaa ku doodaya in dalalka horumaray ay caburin ku hayaan dadka saboolka ah iyo dunnida soo koreysa, waxayna kasoo horjeedaan qaabka uu u dhisan yahay hada ganacsiga adduunka iyo isku dheeli tir la’aanta caalamka ka jirta, waxaana la filayaa inay sii wadaan mudaharaadkooda labada maalmood ee uu socdo shirka G20.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada