DAAWO: DF-Soomaaliya oo Muqdisho uga dhowaaqday Amaro cusub

DAAWO: DF-Soomaaliya oo Muqdisho uga dhowaaqday Amaro cusub

daajis.com:- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku aadan amniga, iyadoo fartay Shirkadaha gaarka loo leeyahay inay soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda.


Amarkan oo uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa waxaa loogu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in muddo 30 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda.

Wasaaradda Amniga ayaa dhowaan soo saartay amar lagu farayo Mas’uuliyiinta dowladda, sida Wasiirada iyo Xildhibaanada inay muddo 15 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan Ilaaladooda iyo hubka ay wataan.

Awaamiirta ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa qeyb ka ah howlaha sugida amniga ee Caasimadda, iyadoo Ciidamada xasilinta ay wali ka howl galayaan qeybo ka mid ah magaalada, kuwaasoo howl gallo ka wada.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada