Daawo: Faroole oo Luuqad Adag uga Jawaabay Hadalo laga jeediyey Shirkii Beesha Leylkase ee Garoowe (Video)

Daawo: Faroole oo Luuqad Adag uga Jawaabay Hadalo laga jeediyey Shirkii Beesha Leylkase ee Garoowe (Video)

daajis.com:- Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Dastuurka dalka Somalia iyo kan maamulka Puntland kadib mar uu maanta ka qayb galay munaasabad xariga looga jarayay xarunta cusub ee wasaaradda Maaliyadda ka dhisatay magaalada Garowe.


Farole ayaa khudbadiisa ku beeniyay hadal shalay kasoo yeeray wasiirkii hore ee howlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi kaasoo sheegay in dastuurka Puntland dhowr jeer wax laga badalay islamarkaana u gogol xaarayay codsi beesha Tanade ku raadinayso in la kordhiyo tirada golaha Wakiillada. “Hadalkii Cabdirashiid waa Been Dastuurka waligiis waxba lagama badalin”

Cabdiraxmaan Farole oo gacanta ku haystay Dastuurka Puntland, ayaa ka sheekeeyay qaabkii lagu qaybsaday Xildhibaanada iyo sida gobollada Puntland loogu qaybiyay iyadoo lagu salaynayay deegaan, isagoo tilmaamay in ciddii tabasho qabta ay u raadsadaan gobolka ay kasoo jeedaan.

Farole oo sidoo kale ka hadlayay Shirka ay isugu yimaadeen qaar kamid ah Isimada Puntland oo casuumad ka helay beesha Tanade ayaa u sheegay inaysan khusayn arrimaha ku saabsan furista Dastuurka Puntland iyo wax ka badalistiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada